DIIDMADA ka dhanka ah qorshaha Itoobiyaanka ee Galmudug oo sii kordheysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si xooggan u canbaareyey “faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya ku hayaan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo lubbaland, gaar ahaan Gobollada GaIgaduud iyo Gedo.”

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa lagu yiri “Waxaa cad in ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ee maanta gaaray Dhuusamareeb in maarnulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, sidii uu sanadkii horeba ka sameeyey doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo doorashadii lagu boobay, la laayeyna shacab bannaanbaxayey, xabsigana la dhigay musharrax madaxweyne iyo dad kaloo ka blyo diiday faragelinta maarnulka Farmaajo.”

Xisbigu ayaa sheegay inuu  shaki wayn ka qabo wax uu ugu yeeray  “xiriirka mugdiga leh ee ka dhexeeya taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya iyo gaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Itoobiya. “

“Waxaa cad in taliyaha Nabadsugidda oo kaashanaya Dowladda Qatar uu ka faa’iidaysanayo xiriirkiisa saraakiisha ciidnaka Itoobiya xilliga kala guurka ah ee ay Itoobiya ku sugan tahay.

Waxaa muuqata in madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya aysan ka dhabeynin ballan qaadkii ahaa in aysan aqbali doonin faragelin shisheeye.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Farmaajo wuxuu shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday in uusan adeegsan doonin shisheeye, gaar ahaan Itoobiya, halka uu Dr Abiy Ahmed ballan qaaday in uu joojin doono faragelinta Itoobiya ee dowladaha deriska ah, tixgelinna siin doono rabitaanka shucuubta Gobolka.”

Xisbiga ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, waxaana uu ugu digay in ciidanka Itoobiya loo adeegsado dano gurracan iyo cabburin lagula kaco shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna dani uguma jirto in ay soo celiyaan tijoobiyinkii horey loogu hoogay, keliya waxey kordhinaysaa kala aamin baxa labada shacab, waxeyna xoojinaysaa xagjirka iyo kooxaha argagexisada ah.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Xibsiga Wadajir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba in ay isku abaabulaan sidii ay uga hortegi lahaayeen faragelinta Itoobiya, waxaana uu xisbigu sheegay inuu diyaar u yahay in uu hormood ka noqdo abaabulka kacdoon oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka hirgala loogana soo horjeedo faragelinta Itoobiya.

Shalay ayaa sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran, waxay warqad u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uguna baaqeen inuu joojiyo faro-gelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.