Golaha wasiirada Somaliland oo ansixiyey xeer muhiim ah (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo u dhacay habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) ku ansixiyey xeer cusub oo dhawaan laga dooday.

Fadhigaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa lagu meel mariyay xeerka maal-gashiga Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maaliyada iyo xafiiska garyaqaanka guud.

Xeerkaasi oo hore looga soo dooday ayaa maanta dhaqan galay, kadib markii goluhu uu si aqlabiyad ah u meel mariyay, kadib markii warbixin dheer laga dhageystay wasaarada maaliyada Somaliland.

Waxaana kulankaasi wasaarada arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin guud oo ku saabsan xaalada amniga iyo nabad-gelyada, maadama maalmihii u dambeeyay ay taagneyd xiisado abuuray rabshado hor leh.

Sidoo kale Wasiirka maaliyadda ayaa golaha faah-faahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loona qiimeeyo, isla markaana loo diiwaan-geliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan.

Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka uu golaha hor-geeyay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas.