Golaha wasiirada Somaliland oo kulan deg-dega ah ka yeeshay xiisada DF Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay kulan aan caadi aheyn yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa lagaga hadlay xiisada siyaasadeed iyo dhaqaale ee kala dhaxeysa DF Somalia.

Golaha ayaa si weyn u cambaareyay weeraro ay sheegen inay Dowlada Somaliya ku hayso Somaliland, kuwaasi oo ay ku carqaladeynayso dhaqaalaha Somaliland, waxaana sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhigna sidan:

“Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Somaliland.

Waxana ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.

Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

Haddaba, dawladda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda”.

Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com