Somaliland oo xoolaha ay u dhoofineyso Cuman u daba fadhiisaneysa Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya dalalka Carabta, ayaa sanadkan wajahaya caqabado iyo cadaadisyo hor leh.

Somaliland ayaa culeys xoogan kala kulmeysa dalka Cuman, taasi oo shuruud uga dhigtay xoolaha loo dhoofinayo inay soo maraan Ganacsato iskaashato reer Puntland.

Iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ayaa dadaalo badan kadib waxay ku guuleysteen sidii ay kooto ugu xiran lahaayen xoolaha loo dhoofiyo dalka Cumaan.

Talaabadan ayaa waxay ganacsatada dekeda Berbera ka dhoofin jirey xoolaha ku qasbaysa inay soo maraan iskaashatadan reer Puntland, oo ay u daba fariistan xoolaha ay u dhoofinayan dalka Cuman.

Ganacsatada Somaliland ayaa markii hore talaabadan ku gacan sayray inkasta oo markii dambe ku qasbanaaden inay ogolaanshiyaha lagu dhoofinayo Xoolaha Somaliland ay ka soo qaatan Iskaashatada Maamulka Puntland.

Somaliland ayaa bil walba xoolo kumanaana u dhoofisa dalka Cumaan, isla markaan waa suuqa saddexaad ee ay u dhoofiso xoolaheeda.

Sacuudiga ayaa isaguna hore u soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland si adag uga hor timid.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com