Xasan Sheekh oo weeraray tallaabo muran dhalisay oo ay qaadday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka dhex-taagan Dowlada Somaliya iyo Somaliland ee ku aadan xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka xunyahay culayska ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ka soo wajahay markabkii ay xooluhu saarnayen ee ku xayirnaa dekeda Jeddah.

Xasan ayaa sidoo kale weeraray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadu ka marantahay in la siyaasadeyo arrimaha horumarinta iyo ganacsiga oo uu sheegay inay si toos ah u taabanayan muwaadinka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona dowlada Somaliya ku booriyey in nolosha dadka Somaliyeed laga hormariyo wax-walba, isla markaana baaq u direy dowlada iyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya”.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com