RAAD-RAAC: Sidee ayuu boobka Kenya ee badda SOMALIA ku soo billowday?

Nairobi (Caasimada Online) – Kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ugudbisay maxkamadda caalamiga ee dambiyada ee ICG oo fadhigooda uu yahay dalka Holland warqad cabasho ah oo ay ku muujineyso in ay iyada iyo Kenya ay ku muran san yihiin xuduud badeeda Soomaaliya, ayaa arrintaas waxaa la muujiyay walaac ballaaran.

Goorma ayuu soo billowday damaca Kenya ay ku dooneyso badda Soomaaliya?

Wuxuu soo billowday sannadkii 2009-kii xilligaas oo dalka ay ka jirtay dowlad KMG ah oo uu madaxweyne ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

Arrintaas ayaa timid markii wasiirkii hore ee iskaashiga xiriirka caalamiga, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Kenya Mosas Watangula ay ku kala saxiideen magaalada Nairobi heshiis is fahan oo la xiriira xuduuda badda ee labada dal.

Haddaba heshiiskaas ayaa shaki ballaaran uu ka dhashay, waxaana shacabka Soomaalida ay ka muujiyeen sas iyo walaac aad u ballaaran maadama la sheegay in heshiiskaas uu ku jirro qoddobo xalaal uga dhigaya Kenya baddaSoomaaliya ay xaqa u lee dahay.

Haddaba markii uu murankaas soo baxay, ayaa heshiiska waxaa la hor geeyay xildhibaannada baarlamaanka si cod loogu qaado.

Maxaa dhacay?

Inta badan xildhibaananda joogay kulankaas oo ku dhawaa 400 ayaa cod dheer ku diiday heshiiskaas, waxaana ay ku tilmaameyn mid lagu doonayo in lagu baneesto badda Soomaaliya.

Haddaba Kenya intaas kuma joojin damaceeda ay ku dooneyso in ay ku hesho badda Soomaaliya, sannadkan ayaa markale ay soo celisay Kenya qorshaha ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa heshiis Isfahan lagu sheegay la gaartay dhiggeeda dalka Kenya Aamino Maxamed.

Madaxda dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyay in aysan oggolaan doonin hal taako oo biyaha Soomaaliya in lagu qaato, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan u qoray golaha ammaanka QM warqad uu ku caddeenaayo xadka biyaha Soomaaliya.

Haddaba xuduud badeedka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay 200 oo niyitikaal Meyl, waxaana sidaas lagu sheegay qoraal la qoray sannadkii 1987, balse heshiis soo baxay sannadkii 1989kii ayaa lagu sheegay in dal kasta uu lee yahay dhul badeed xajmigiisa uu yahay 12 niyutikal Mayl.

Haddaba Soomaaliya ayaa laga rabaa in ay kala doorato labadaas xuduud badeed??.

Dowladda Soomaaliya ee caalamka uu aqoonsanyahay ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay dib usoo celiso maamulka xuduudaheeda ee badda.

Waxaana ka mid ah meelaha ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto xuduudda dhinaca badda ah ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dooneyso in iyaduna ay gacanta ku dhigto dhul badda ah oo dhirirkiisu gaarayo 100-km oo wareeg ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com