Col. Barre Hiiraale oo galay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Col. Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, in ka badan sanad kadib markii dagaal looga saaray magaalada, oo uu ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada.

Sida ay wararka sheegayaan, ciidamada Barre Hiiraale ayaa waxaa hubka ka dhiggay ciidamada Amisom ee jooga magaalada, kuna xareeyey jaamacadda Kismaayo, tallaabo u muuqata inay soo geba gebeyn doonto collaaddii Kismaayo.

Barre, ayaa sidoo kale la sheegay inuu kullan la lee yahay hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Sida warku lee yahay, marka wada hadalka uu dhammaado, waxaa Barre Hiiraale uu u duuli doonaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuusan Kismaayo ka bixi doonin, oo uu halkaas degi doono.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo wasiiro ah iyo xubno IGAD ah ayaa gaareen Kismaayo, kana dhaadhiciyeen Barre inuu is dhiibo, dagaalkana dhaafo.

Faah-faahin dheeraad ah naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com