BEESHA CAALAMKA oo loogu baaqay in maxkamad la soo taago SIILAANYO

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah shir jaraa’id ku qabtay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegannada maamulka Khaatumo waxaana ay ka hadleyn dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac oo u hadlay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Muqdisho ku shiray ayaa sheegay maamulka SNM in uu gumaad ka geestay deeganka Saaxdheer sidda uu hadalka u yiri, wuxuuna intaas ku daray in dad shacab ah lagu laayay isla markaana dad socoto ah ay dhaheyn ciidanka mamaulka Somaliland waa maxaabiis aan ka qabsanay Khaatumo State.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay in hoggaamiyaha maamulka Somaliland uu dambi dagaal ka galay dadka ku dhaqan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Xildhibaanka wuxuu kaloo gar-darro cad ku tilmaamay duulaankii ciidanka Somaliland ay ku qaadeyn deeganka Saaxdheer oo lagu waday shaley in ay ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Pro Cali Khaliif Galeyr.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac ayaa ka codsaday beesha caalamka in maxkamad la soo taago madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku eedeyay in uu ka dambeeyo dadka lagu xasuuqay deeganka Saaxdheer.

Si kastaba, in ka badan 10 qof oo u badana dhinacyada dagaallamay ayaa ku geeriyooday dagaalkii shaley ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com