QM, EU & US oo war cad kasoo saaray xasuuqii Somaliland ee SAAX-DHEER

Nairobi (Caasimada Online) –  Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin xaaladda tuulada Saax Dheer.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa waxay ku baaqeen in ciidammada hubaysan laga saaro halkaas iyo in ay sameeyen dedaal wadajir ah, si loo dajiyo xaaladda, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed.

Wakiilada Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub ayaa ugu baaqay qaybaha ay ka dhax oogan tahay xiisaddaan in ay si degdeg ah u billaabaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalado muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiisyada wakiilada ayaa ka dalbaday maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xiisadda colaadeed ay saameynta ku yeelatay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka.

Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan heshiis xeer-jajab ku dhisan iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waara oo ka hirgasha gobolka.

Ciidamo xooggan oo ka socda maamulka Soomaaliland, ayaa la sheegay in ay soo wareeraan deegaanka Saaxdheer oo dhowaan looga dhawaaqay madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Somaliland ayaa maalin ka hor sheegtay in ciidammadeeda ay qabsadeen Saax Dheer, oo la filayay in lagu qabto xaflad lagu caleemi saari lahaa madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo.

Xildhibaan Ibraahim Guure oo ka tirsan Khaatumo ayaa beeniyay qabsashada Saax Dheer ee Somaliland sheegtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com