DF oo ku dhaqaaqday arrintii badda ee laga cabsida qabay, tagtayna HAGUE

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda ugu sarreysa QM weydiisatay inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka ay la wadaagto Kenya, Caasimada Online ayaa xaqiijin karta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kiiska dacwadda khamiistii ka diiwaan gelisay Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (International Court of Justice), ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands, ayada oo sheegtay in labada waddan ay garwaaqsan yihiin in la xaliyo wax ay ugu yeertay “Xudduudda lagu muran san yahay”.

Codsiga dowladda Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda waxa ay ku sheegtay in labada waddan (Somalia iyo Kenya) ay isku diidan yahay halka ah xadka badda iyo xuquuqda uu cabir ahaan dal kasta u lee yahay iyo qaabka cabirku yahay.

DF waxa ay intaas ku dartay in dadaallo diblomaasiyadeed oo socday ay guul darreysteen.

Dhulka Kenya isku dayeyso inay ka boobto Soomaaliya, ayaa la ogaaday inuu saliidda iyo shidaalka qani ku yahay, waxaana xukuumadda Nairobi ay goor horeba bixisay qnadaraasyo arrintaas la xiriira.

Soomaaliya oo dhacda waqooyiga Kenya waxay dooneysaa in xuduudda badda ay ku qad ama line ahaato tan dhulka ee Koonfurta Bari, halka Kenya ay dooneyso in xuduudda badda ay dhinaca bari usoo qaloociso, taasi oo dhul aysan lahayn siin kara, sida ku cad sawirka hoose.

Go’aanka ay gaari doonto maxkamadda Hague oo ah tan ugu sarreysay adduunka, waxa uu noqon doonaa mid kama dambeys ah oo aan dib looga laaban doono, inkasta oo uu sanado qaadan karo.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay sammeysay qalad weyn, ayada oo dacwadda furtay, sababta ah waxaa qasab ku noqon doonta inay caddeymo badan keento, maadaama ayada ay dacwooneyso.

Waxa ay tani ka dhiggan tahay sheekadii Soomaalida ee ahayd “Ku qabso ku qadi meysidee”, waxaana yaab leh in dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegtay in murran uu ku jiro badda Soomaaliya, halka xaqiiqdu ay tahay in wax muran ah uusan jirin, balse Kenya ay abuurtay muranka.

Maadaama Kenya ay sheeganeyso dhul badeed Soomaaliya ay leedahay, waxaa qasab ahayd in ayada ay dacwooto, waayo ayada oo boob wadda, kadibna Soomaaliya waxaa ku filnaa ina is-difaacdo.

Hal tusaale waxaa kuugu filan, Dhammaan shirkadihii ay Kenya siisay qandaraasyada waa ay diideen inay shidaal ka baaraan oo ay qarash geliyaan dhulka ay sheegatay, taasi oo dhabar jab weyn ku ah Kenya, Waxaana ay codsadeen in arrinta xal laga gaaro marka hore, sidaa darted ayey Kenya dooneysaa in go’aan caalami ah deg deg loo gaaro. Haddaba, maadaama ay Kenya dooneyso in go’aan la gaaro, oo dhulka ay sheegatayna aysan waxba ku qabsan karin, maxaa dowladda Soomaaliya waalaya oo ku qasbaya inay go’aan-ka ayada raadiso.

Waxaa dowladda Soomaaliya ku filnaa kaliya inay arrintan ka aamusto, oo ay dacwooto marka ay dhacdo in dhul badeedka Soomaaliya shidaal laga baaro, taasi oo aan dhaceyn, maadaama shirkadaha caalamiga aysan lacag ku bixineyn meel muran la geliyey.

Lama yaqaan waxa ku kalifay madaxda Soomaalida inay tallaabadan qaataan, waxaase muuqata tuhunkii la qabay ee ahaa inay Kenya kala shaqeynayaan sidii ay dhul badeed Soomaaliyeed ku xalaaleysan lahayd.

Kenya, waxa ay iminka joogtaa meeshii ay dooneysay, haddiiba arrintii badda Soomaaliya ay dowladdii Soomaaliyeed maxkamad caalami ah geysay, waana 50-50.

Waxaa xusid mudan in Kenya ay xubin ku leedahay guddiga arrintan u fariisan doona, waxaa kale oo xusid mudan in dowladda Norway ay gacan weyn Kenya ku siineyso arrintan.

Dowladda Kenya waxa ay qabsatay shirkadda qareenada ee ugu wanaagsan adduunka marka ay timaado murnnada ka dhaxeeya dowladda, waxaana la sheegay in qareenada Kenya ay qabsatay aan weligood kiis noocan ah looga adkaan.

Soomaaliya, oo ah dal aan dowlad wanaagsan lahayn, saaxiibo badan caalamka ku lahayn, Islaam ah oo kuwa u garnaqayana ay yihiin gaalo, maxay ka filan kartaa kiiskan?

Baarlamanka Soomaaliya waxaa la gudboon inay si deg deg ah ugu dhaqaaqaan, ayna joojiyaan dacwadda, lana beddelo luuqadda ah “Dhul badeedka lagu muransan yahay”.

Caasimada Online, waxa ay ka codsaneysaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka aqoonta illaah siiyey inay kacaan, oo ay arrintan wax badan ka qoraan, waxaana soo dhoweyneynaa qoraaladiina, aniga oo mar walba soo daabici doonno. Haddii qoraalo badan aan helno waxaan sameyn doonnaa bog u gaar ah difaaca badda Soomaaliya. Fadlan arrintan yaan la sahlan. Haddii sheekada ay shalay ahayd Kenya oo dhul badeed ku haysata Soomaaliya, maanta waa 50-50, waayo kiis kasta oo maxkamadeed waa 50-50, Noogu soo dira qoraaladiina caasimada@live.com. Mahadsanidiin.

W/Q: Axmed Cali
Tifaftiraha Caasimada Online