Maxay yihiin qodobada ay isku mari la’ yihiin Barre Hiiraale & Axmed Madobe

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shir xasaasi ah uu ka socdo imminka xarunta madaxtooyada ee Kismaayo, kaasoo ay lee yihiin, wafdi dowladda Soomaaliya ka socda, IGAD, maamulka Jubba iyo wakiilo matalaya Barre Hiiraale.

Qoddobada ilaa hadda aan xal loo helin ayaa ka mid ah, maamulka Axmed Madoobe oo Barre Hiiraale ku amray haddii uu soo galaayo Kismaayo in ciidanka uu wato laga dhigo hubka isla markaana la dajiyo goob gaar ah, arrintaas waxaa ka biyo diiday Barre Hiiraale oo leh ciidankeyga iyagoo wata hubka ayey soo galayaan magaalada Kismaayo.

Qoddobada kale ee la isku mari la’yahay ayaa ka mid ah haddii uusan Barre Hiiraale kama dambees maanta oo Jimco ah ku soo xaroon in laga tashan doono isla markaana la billaabi doono shirka dib u heshiisiinta ee bisha soo socota ka furmaya magaalada Kismaayo.

Haddaba arrintan ayaa waxay walaac ku abuurtay wafdiga dowladda iyo IGAD ka socda ee ku sugan Kismaayo, waxaana la rabay in maanta oo Jimco ah Barre Hiiraale uu soo galo magaalada Kismaayo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in ay socdaan dedaalo ay wadaan wafdiga wasiiradda ee ka socda dowladda fedaraalka iyo IGAD kuwaasoo doonaya in ay isku soo dhawaadaan labada dhinac.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u fara badan oo wata booraar ay ku qoran yihiin in ay ku faraxsan yihiin sidda dowladda Soomaaliya, IGAD iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay u oggolaadeen in uu Barre Hiiraale soo galo magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa dhawaan sheegay in uu ka qeybgalaayo shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo bisha na soo aadan.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com