Guddiga doorashada ee guddoonka BF oo loo soo xulayo hab beeleed

Muqdisho (Caasimada Online) -Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyey Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad) oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka lagu dhaariyey illaa lix Mudane oo ka maqnaa munaasabaddii dhaarinta ee Khamiistii lagu qabtay Teendhada Afiysooni ee xerada Xalane.

Guddoomiyaha KMG ah oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa marka hore ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo shaqada hortaalla baarlamaanka cusub.

“Waxaad wada ogtihiin saaxibayaal xaaladda dalkeena uu ku sugan yahay maanta iyo cadaadiska uu adduunka innagu hayo oo nala leeyahay haddaanan waqtigaas wax lagu dhammeyn wax walba waa xirmaayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa istaagay tiirkii dowladnimada laga bilaabayey waxa dhimana waxa aan ku kalsoonahay inaad dhammeystiri doontaan,”.

Dhabancad oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in laga rabo ka baarlamaan ahaan inay dadajiyaan dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto.

“Waxaa hadda na horyaal oo la rabo inaan dadajino waxaa weeye guddoonkii rasmiga ahaa ee Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisii,” ayuu markale yiri guddoomiyaha KMG ah.

Intaas, kadib ayuu guddoomiyaha KMG ah soo jeediyey inuu dhiso guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, balse waxaa diiday xildhibaanada, iyadoo kadib codeyn loo qaaday.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in xubnahaasi loo qaybsado hab beeleed, si loogu saleeyo nidaamka 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan beelaha Soomaaliyeed.

“Waxaan arkay haddii gacanta la taagay inta diidan soo jeedinteyda inay badan tahay marka waxaan rabaa idinka is kala yaqaan inaad beel ahaan laba laba qofood ii keentaan,” ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad)

Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kulankiisii ugu horreeyey ku bilowday diidmo ayaa waxaa horyaal shaqada adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada soo socota madaxweynaha.