Muxuu Cabdi Xaashi kala hadlay Axmed Madoobe?

Kismaay (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kulamo saacado qaatay ku yeeshay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Kulankaasi ayaa looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa wadahadalka iyo dhexdhexaadinta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo xiriirkooda uu xumaa tan iyo bishii September ee sanadkaan.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo kula kulmay xubno ka socday labada gole ee maamulka Jubbaland, waxaana uu dhankooda kala hadlay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen dhameynta khilaafka.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah senetaro ka tirsan aqalka sare, kuwaasi oo dhankooda la filayo inay tagaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyaga oo madaxda Puntland arimahaan kala hadli doono.

Cabdi Xaashi, ayaa lagu yaqaanaa Hadal wanaagiisa, waxaana dad badan ay aamisan yihiin inuu yahay Nabadoon wax badan xalintooda ka qeyb qaatay, iyadoo aan la saadaalin karin natiijada uu lasoo kulmi doono.

Dhawaan Jubbaland ayaa shaacisay inay aqbal san yihiin wadahadalka dowladda Soomaaliya, balse ay doonayaan in dowladda ay dhankeeda fuliso balamaha iyo qodobadii kasoo baxay golaha aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com