Qorshe halisa oo laga fulin rabay Jigjiga oo la ogaaday

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyabaha qarxa iyo dhaqaalo badan oo la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah.

Ciidamada amaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in baaritaano iyo xogo la helay kadib gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in xarumaha waxbarashada iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynaha lagu weeraro.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogtaan kadib markii ay dadweynaha lasoo wadaageen, taasina ay dhalisay in laga hortago inta shacabka aan la waxyeeleen.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Jigjiga Maxamed Cali Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii ka haray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ay ka dambeeyaan falkaan ayna doonayeen inay waxyeeleeyaan shacabka deegaanka.

Ujeedada ka dambeysa falkaan ayuu sheegay inay tahay wiiqitanka nabad galyada iyo horumarka deegaanka, sida uu sheegayna ay ka hortagi doonaan dad walbaa oo falalkaasi abaabula.

“Waxaa la qorsheeyay fal la doonayay in laga fuliyo Jigjiga, Axmed Mahad Colow Ilka case ayaa hogaaminayay, waxaa la doonayay in meelaha bulshada ku badan tahay la qarxiyo si dadka loogu dhibaato, anagoo iskaashaneyno Shacabka iyo laamaha amaanka ayaan ka hortagnay, waana la fashiliyay qorshaha”.

“Qorshaha wuxuu ahaa mid lacag badan lagu bixiyay, waxaa la doonayay in dhaqaalo la siiyo dadka qaraxyada fuliya, waxaa ka dambeeyay haraadigii xukuumadii hore oo deegaanka burburiyay, waxayna doonayeen maadaama nidaamkoodii xumaa meesha ka baxay inay dadka dhibaateeyaan”ayuu yiri Taliyaha booliska Jigjiga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay dib dambe ka shaacin doonaan dhaqaalaha malaayiinta gaaraya ee la doonayay in qaraxyada lagu bixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com