CC SHAKUUR oo dhaqaale ku bixiyey imaanshihiisa Muqdisho ee Isniinta (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa maalinta Isniinta soo socota oo taariiqda ay ku beegan tahay 10 December inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho.

Imaanshahiisa magaalada Muqdisho ayaa xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay la xiriirta xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay maalintii ciidamada amaanka ay weerareen guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada munaasabada baroordiiqda ah oo la filayo inuu ka qeyb galo ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb gali doona baroordiiqda si uu kaga hadlo waxa ku dhacay iyo sanad kadib waxii loo qabtay.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in Si dadban uu dhaqaalo ugu bixiyay soo dhaweyntiisa maalinta Isniinta, waxaana uu dhaqaalahaasi siiyay qaar kamid ah warbaahinta magaalada Muqdisho.

Idaacado kooban oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa laga bilaabay baahinta ogeysiis la xiriira iyo taageerayaasha xisbiga ay ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa, waxaana laga leeyahay labo ujeedo.

Ujeedada koowaad ee laga leeyahay ayaa ah in lagu faano haddii taageerayaal badan ay yimaadaan, si nabad ahna kaga qeyb galayaan soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ujeedada labaad ayaa ah in haddii laga carqaladeeyo dadweynaha inuu ka dhigo Kiis ah in loo diiday wuxuu xaq u lahaa muwaadin ahaan, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay ka warheleen ujeedada laga leeyahay arintaan, waxaana ay ka feejigan yihiin dadweyne badan oo carqaladeeya amaanka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com