Somaliland oo jawaab kulul siisay musharixiinta P/Land ee C/W Gaas la tartamaya

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa jawaab siiyay musharixiinta Puntland ee sheega inay dagaal ku qabsan doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo labada dhinac ay isku hayaan.

Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cali ayaa si adag kaga jawaabay hadaladii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray qaar kamid ah musharixiinta Puntland ee sheegay inay dagaal ku qabsan doonaan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa kaga digay musharixiinta la tartameysa Cabdi Welli Gaas inay ku halqabsadaan inay la wareegi doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo marar badan ay ku dagaalameen.

Wuxuu sheegay inaysan arintaasi ka soconeynin deegaanadaasi oo Somaliland ay maamusho, sida uu hadalka dhigay, waxaa kale uu sheegay in ciidamada difaaca Somaliland ku fulan yihiin xaqiijinta amaanka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in musharixiintaasi ay marin habaabinayaan shacabka maadaama aysan ku dhicin inay la wareegaan deegaanada Sool iyo Sanaag, sida uu hadalka u yiri.

“Somaliland ayaa gacanta ku heysa SOOL iyo Sanaag, inay meelaha ka qeyliyaan ayay awoodaan Puntland-na wey og tahay inaysan ku dhicin dagaal, Mid kasta oo yimaada sidaas ayuu ugu halqabsanayay Sool iyo Sanaag, waan ku fulinahay inaan difaacno goboladaa”ayuu yiri Wasiirka Biyaha Somaliland.

Musharixiin badan ayaa ka sheegay deegaanada Puntland inay furimo dagaal ka dhigi doonaan deegaanada Somaliland kaga sugan tahay gobolada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com