Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo magac cusub u bixiyey isgoyska Zoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qaatay go’aan uu magaca uga bedelayo Isgoyska KM 5 ee Zoope, isagoo magac kale u bixiyay.

Isagoo ka qeyb galay socod ay dadweyne fara badan ku soo mareen Garoonka Banaadir ilaa Isgoyska Soope oo qaraxu ka dhacay ayuu dadweyne kula hadlay goobtaasi ka sheegay in wixii hadda ka danbeeya Isgoyska KM 5 loogu yeerayo “14- Oktoobar”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka mida mas’uuliyiinta sida weyn uga dhex muuqday gurmadkii dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho ayaa si dardar leh ku wada howsha isagoo si caadi ah dhex gala dadweynaha.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiyaha