Guddoomiye Cabdirisaaq oo ka jawaabay warkii kasoo baxay xubno ka tirsan guddiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa iska fogeeyay war ay faafiyeen xubno ka mid ah Guddigiisa.

Xubnahana oo saddex ahaa ayaa saxaafadda u sheegay go’aan ah in Guddiga Doorashada Golaha Shacabka uu isla qaatay in Doorashada Berri ee Guddoonka aanay ka qeyb gelin labada dhinac xildhibaanna lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa caddeeyay in shaqada Guddiga aysan ahayn cidda Doorashda laga reebayo oo ay tahay shaqada Guddoonka KMG ah iyo Xogheynta baarlamaanka.

Warka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa yimid kadib markii xubno ka mida Guddigiisa ay saxaafadda la hadleen iyadoo go’aan ay qaateen shaaciyey, taasoo la beeniyay.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.