Guddoonka Golaha Shacabka oo loo gudbiyay Mooshin ku saabsan Amniga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay Mooshin ku saabsan Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Hadalkaan waxaa maanta kulankii Golaha Shacabka ka sheegay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golasha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay soo gudbiyeen Mooshinkaasi.

Waxaa uu sheegay in Mooshinkaasi diirada lagu saarayo Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowrka Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in arrintaan si hoose loo xalain doono ama Baarlamaanka ay hor-imaan doonaan Xubnaha dhanka amniga ah ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mooshinkaan ayaa imaanaya Xilli shalay xilalkii laga qaaday taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo waxqabad xumo lagu eedeeyay.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa bishaan waxa ka dhacay Qaraxyo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Muudeey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com