Cali Guudlaawe oo maanta sameeyay arrin yaab leh oo hadal hayn xooggan dhalisay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku kacay arrin yaab leh oo hadal hayn badan dhalisay.

Guudlaawe oo dhiiri-gelinayay kooxda u ciyaareysa maamulkiisa koobka maamul goboleedyada dalka ee galabta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook, soo raaciyay sawir ay hoos uga qoran tahay “Guul Galmudug”.

Sawirkan oo uu hore u isticmaalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa sida muuqata waxay kooxda warbaahinta madaxweyne Guudlaawe kusoo qaateen si aan ka fiirsi laheyn, taasi oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada Soomaalida.

Qoraalka uu soo dhigay Guudlaawe bartiisa Facebook ayaa u dhigna sidan: “Waxaan bogaadinayaa Xidigaha Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle ee inooga qeybgalaya Tartanka K/cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir galabta uga furmaya Magaalada Muqdisho.”

“Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo inaad koobka soo hoydaan, waana ku kalsoonnahay inaad ka adkaan doontaan Kooxda dhigiina ah ee aad la ciyaareysaan galabta. Shacab iyo Dowlad-ba Garabkiina ayaan nahay mar walba, waadna heleysaan dhiirigelin, mudnaan iyo wax walba oo aad mudan tihiin. Guushu waa xageenna.”

Kadib markii arrinkaan si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaa sawirkii laga saaray bogga madaxweyne Cali Guudlaawe.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdullaahi Cali ayaa waxa uu yiri: “Madaxweynihiinu (HirShabeelle) Galmudug miyuu la jiraa meeshaan Galmudug guuleysta ayaa ku qorane.”

“Team-ka Media-yaha u qaabilsan madaxweyne Cali Guudlaawe ma siddaan ayaa ka daacad ah. Sawir uu madaxwyanaha Galmudug isticmaalay ayay kadaba isticmaalayn Xxitaa farsamo xumada ma waxaa ay ku darsadeen arag la’aan.Guul Galmudug ayuu taagan yahay Madaxwaynihii HirShabeelle,” ayuu yiri Haadi Maxamuud Xasan.

Dr’s Fartuun Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxay tiri “Madaxweynaha yaana leyska dhigin ma aha Cali Guudlaawe waxa qoraalka soo qoray.”

Daahir Ibraahim: “Qoor-Qoor baa waxaas ka dambeeyay asaa jambalkaan noo dhigay balse waaku fahanay.”

“Sawirka Guul Galmudug hoos u qoran tahay maxa waaye marka Qoor-Qoor ma isku malaysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xaaji Xaashi.

Axmed Nuur Ibraahim: “Guul ayan u rajeynaa HirShabeelle laakiin hada ayaa hurdo laga soo kiciyay ayaqn umaleynaa Qoor-Qoor mar hore ayuu so dhiira-galiyay kooxdiisa adne waad so daahday.”