Guudlaawe oo war kasoo saaray qaraxyadii Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay qaraxyadii magaalada Beledweyne ee lagu qaaday xerada Lama-Galaay ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee masuuliyiintii iyo shacabkii ku dhintay weeraradaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada gobolka Hiiraan.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeyb-galaan howl-galada dalka looga saarayo Al-Shabaab, kuwaaasi oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyada in hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Qaraxyadaan ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan ayada oo ku geeriyoodeen mas’uuliyiinta ay kamid yihiin Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey.

Sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.