CC Shakuur oo ka digay in sidii magaalada Kabul oo kale ay ka dhacdo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca laga muujinayo in dhex looga tago howl-galadaan culus oo durtaba guulo taariikhi ah laga gaaray.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay haddii kooxda Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku guuleysato inay Soomaaliya ka dhici doonto wixii kal hore ka dhacay Afghanistan.

“Argagixisada (Al-Shabaab) hadii ay naga adkaadan waxaa na sugaysa sidii Kabul la isugu dilayay diyaarada oo madaxweynaha Afghanistan uu hal subax soo cararay masiirkaasa na sugaya, haddii aan ka adkaanana nabad-galyo, baraare iyo barwaaqo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in xifaaltanka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha dhinac la iska dhigo oo loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gaaro guul dalkeena lagu xoreeyo.

“Dagaalka socda ee lagula jiro argagixisada waa wixii la dhihi jiray kala bax, haddii ay adkaadan iyaga ayuu u hadhaya dalka, haddii laga adkaadana Soomaali ayaa guuleysaneysa marka waa dagaal Soomaaliyeed ee ma aha dagaal Xasan Sheekh, dagaal Xamse iyo mid deegaaneed ma ah, waxa la isku haysta masiirka Soomaali.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in argagixisada Al-Shabaab ay dadka Soomaaliyeed ka hortaagan yihiin noloshooda, maal-gashiga iyo wax walba oo dal ku horumari karo, sidaas darteed ay waajib tahay in qofkasta u istaago iska dhicintooda.

“Waa soo kabanayna laakiin in aan noolaano waxa naga hortaagan argagixisada, qofkii maalgashan lahaa dalka waxa hortaagan argagixiso. Dalkii waxa uu noqday dal u xaniban oo u afduuban argagixiso.”