Somaliland: Maxaa ka dhalan kara diidmada mucaaradka ee muddo kordhinta Biixi?

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sabtidii muddo kordhin labo sano ah u sameeyay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi, xili ay muddooyinkii dambe khilaaf xoogan ka taagnayeen arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka Golaha Guurtida oo durtaba abuuray khilaaf hor leh ayaa dhigaya in 13-ka bisha 12 ee 2024 ay qabsoomeyso doorashada madaxweynaha Somaliland.

Musharaxiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Guurtida, ayaga oo ku tilmaamay in uu yahay sharci daro bareer ah.

Mowqifka mucaaridka ayaa ahaa mid hore loo sii saadaalinayay, maadama ay muddooyinkii dambe xukuumadda Muuse Biixi isku hayeen qabsoomida doorashada.

Go’aanka Guurtida iyo diidmada mucaaridka ayaa waxa uu Somaliland galinayaa qalalaase siyaasadeed oo hor leh, waxaana durtaba banaanka u soo baxaya qorshaha mucaaridka ee ku aadan arrintaan.

Mucaaridka ayaa isku raacay in wixii ka dambeeya 13-ka November aysan u aqoonsaneyn Muuse Biixi in uu yahay madaxweynaha Somaliland, wixii ka yimaadana go’aanka cusub uu madaxa u ridan doono.

Sidoo kale waxa soo baxeysa in mucaaridka uu qorsheynayo dhismaha dowlad kumeel gaar ah marka la gaaro 13-ka November, taasi oo uga sii dari doonta xiisada hadii aan ka hor wax laga qaban.

Si kastaba, Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib un markii uu guddiga doorashada Somaliland ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.