Caro xoogan oo ka dhalatay arrin ku saabsan Soomaaliya oo lagu lifaaqay Daacish

Toronto (Caasimada Online) – Magaalada Toronto waxa hadal hayn badan ka dhalatay maamul Iskuul oo calanka kooxda ISIS ku lifaaqay midka Soomaalida, isaga oo u diray qoysas boqolaal gaaraya, kuwaasi oo falkaasi ka carooday.

Soomaalida ayaa waxay ka xumaadeen in calankooda lagu xiriiriyo ama lagu xiro midka kooxda ISIS, oo ayadu ka dagaalanta dalal ay kamid yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Guddiga Iskuulada Toronto ayaa sheegay in farriintan oo loo diray illaa 700 qoys, uu ahaa mid aan ujeedo gaar ah laga laheyn balse ku dhacay si qalad ah, sida ay sheegeen.

“Markii hore kuma baraarugin calanka ISIS, arrinta Soomaalida ay ka carootay ayaa ah in khariidada Soomaaliya oo ku qoran magaca Soomaaliya lagu lifaaqo kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah,” ayuu yiri mid kamid ah Waalidiinta loo diray farriintan.

Faysal Xasan oo ah Xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka gobolka Ontario oo la hadlay VOA ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Iskuulka ay tahay mid qaldan oo u baahan isla xisaabtan dhab ah.

“Warqadaha ay u direen iyaga oo loo dabaal-degayo dhaqanka, taariikhda & hidaha Soomaalida haddana ay ku lifaaqday Soomaaliya iyo calanka ISIS, taas waxay igu muuqata inay tahay cunsurinimo lagu xumeynayo waalidiinta iyo ardeyda. Gobolka iyo Iskuulka waa in ay tallaabo ka qaadan macalimiinta ama ciddii ka dambeysay,” ayuu yiri.

“Waxaa soo jeedin lahaa in Waalidiinta warqado noocaan oo kale ah la idin soo diro noo keena, nala soo socodsiiya. Waxa loo baahan yahay in laga hortago waxyaabahan oo kale.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ururka argagixisada ee ISIS iyo Soomaalida wax shaqo ah iskuma laha marnaba.”

Arrintan ay sida weyn uga caroodeen Soomaalida dalka Canada, gaar ahaan Toronto ayaa waxa cudur daar ka bixiyay Iskuulkii farriinta u diray waalidiinta Soomaaliyeed, kadib xiisada ka dhalatay.