Haweeney jabisay taariikh sanado badan dunida u taalay oo geeriyootay markii ay dhashay 69 cunug

Kismaayo (Caasimada Online) – Haweeney u dhalatay dalka Falastiin oo la aaminsan yahay inay tahay middii ugu  ilmo dhalista badneyd qarniyadaan ayaa geeriyootay waxayna jabisay taariikh weyn oo horey adduunka looga dhigay.

Haweeneydaan oo aheyd 40 jir ayaa waxaa dhimashadeeda xaqiijiyey seygeeda oo la hadlay Al-An news agency, sida uu qoray Al Arabiya waxayna axadii lasoo dhaafay ku dhimatay magaalada Gaza

Haweeneydan geeriyootay oo aan la xusin  magaceeda  ayaa la tilmaamay in ay caruurta u dhashay 16 jeer ay dhashay min Labo Carruur ah,7 jeer min saddex caruur ah halka 4 jeerna ay dhashay min afar Carruur ah .

Waxay noqotay Haweeneydii labaad ee sidaan camal sameyso ama 69 cunug dhasho inta ay taariikhda diiwaan gelisay.

Qaabka ay u dhashay iyo tirada ay dhashay inta badan waxay kala mid tahay haweeneydii kaga horreysay iskoorkaan oo iyadana sidaan camal u dhashay 69 cunug.

Baaritaan lagu sameeyey buugga lagu diiwaan geliyey waxyaabaha taariikhiga ah ee la yiraah Guinness World Record Page ayaa laga helay Haweeney kale oo u dhalatay dalka Ruushka taasoo horey u heysatay  iskoorkaan ah in la dhalo 69 cunug waxaana magaceeda lagu sheegay Mrs Vassilyeva.

Sida warbixinada sheegayaan midaan u dhalatay ruushka ayaa dhashay 27 jeer, iyadoo 16 jeer dhashay Mataanyaal, 7 jeerna 3 Mataano halka ay 4 jeer dhashay min 4 Mataano taaso isku darkeeda noqoneyso 69 jeer.

Warbaahinta caalamka ayaa ku mashquushay ka sheekeynta Haweeneydaan mar labaad u dhigtay adduunka taariikh horey loogu diiwaan geliyey Hawey kale.

Caasimada Online
Xafiiska Gaza
Caasimada@live.com