Maxaa ka jira in madaxweyne Farmaajo uu ku amray Ahlu Sunna inay hubka dhigaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku amray maamulka Ahlu Sunna Wal-Jameeca inay dhigaan hubka isla markaasna ay usoo diyaar garoobaan wadahadal.

Haddaba arintaan ayaa waxaa ka hadlay maamulka Gobolada dhexe eeAhlu Sunna Waljameeca oo warkaas ku tilmaamay inuu yahay mid la isaga horkeenayo madaxweynaha iyo madaxda Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir ayaa meesha ka saaray warar ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in ciidamada Ahlu Sunna hub ka dhigis ay sameeyaan, balse wuxuu sheegay in arimahaasi aanan la isku soo hadal qaadin xitaa.

“Arrintaas waa wax kama jiraan, madaxweynaha nama dhihin Ahlu Sunna Hubka ha dhigaan, waa isku dir la wado, arrintaas xataa hal mar naguma soo hadal qaadin madaxweynaha” ayuu yiri Sh. Maxamed Shaakir.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir oo Wareysigan siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa la weydiiyay halka ay taageerada ka helaan Maamulkooda.

“ Waxaan lacag ka helnaa shacabka taageersan xoreynta Ahlu Sunna, Maamulkeenna waxaa ku mideysan oo taageersan Galmudug, Alhu-sunna Iyo Ximin Iyo Xeeb, waana maamul ay ku jiraan dhammaan beelaha dega Mudug, Galguud iyo Hiiraan” sidaa waxaa yiri Shaakir.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa Muqdisho u yimid Caleemo saarkii Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay waxaana la filayaa inay si fiican isku fahmaan dowladda cusub oo uu calanka u sido madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com