Haweeney Soomaali ah oo dhacdo aad looga naxay ka gaysatay dalka Jarmalka

Berlin (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla koonfurta dalka Jarmalka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo lagu helay in ilmo yar oo ay dhashay ay ku dishay mindi.

Dilka ilmahaas oo saddex bilood jir ahaa ayaa ka dhacay gudaha xarun loogu tala galay qaxootiga, waxayna aad uga nixisay magaalada oo idil. Xeradaas waxaa la dejiyaa dadka magangalyo doonka  ah.

Maxkamad la hor geeyey haweeneyda cunugeeda dishay, oo magaceeda aan la shaacin, ayaa ku riday xukun xabsi daa’in ah, xerada uu dilkaasi ka dhacay waxay ku taallaa gobolka Bavaria, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda.

“Maxkamadda gobolka ee Schweinfurt ayaa haweeneyda ku soo oogtay in ay gabadheeda oo saddex bilood jir ah sideed jeer mindi ku dhufatay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, iyada oo ku sugnayd hoy qaxooti oo ku yaalla xaafadda Geldersheim ee gobolka Bavaria, oo u dhow Schweinfurt,” ayuu yiri afhayeenka.

Illaa hadda lama cadeyn sababta haweeneydaan Soomaalida ah ku kaliftay inay disho cunugeeda, wakaaladda wararka ee Jarmalka ee DPA ayaa werisay dhacdadaan.

Haweeneyda cunugeeda dishay oo Soomaaliya ka soo jeeda waxaa da’deeda lagu sheegay 28-sano jir.

Aabaha dhalay cunuga oo goobta aan ka dheereyn ayaa dhowr boqol oo mitir u jiray xilliga la dilayay ilmagiisa, sida lagu shaaciyey warbixin ay qortay wakaaladda DPA.

Xukunka lagu riday haweeneydaan ayaa soo maray marxalado kala duwan waxaana kiiskeeda ka dhalatay dood xoog leh, qareenadii difaacayey ayaa dalbaday in la dhimo xukunka xabsiga ah ee lagu riday, halka Xeer Ilaalinta dalka Jarmalka ay codsaday in lagu xukumo sagaal sano oo xarig ah, iyadoo loo cuskanayo dil bareer ah.

Ugu dambeyntii qaadiga Maxkamadda ayaa cadeeyey in la raacay dacwadda asalka ah oo haweeneyda lagu helay dembi ah inay ilmaheeda u geysatay dhaawac halis ah oo sababay geeri.

Sida laga soo xigtay dhakhtarka maskaxda oo haweeneydaan loo geeyey wuxuu cadeeyey inay caafimaad qabto, balse uu jiray calaamado muujinaya khalkhal shakhsi ah oo heystay haweeneyda.