Hiba Nuura oo soo saartay baaq ku socda Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) ayaa qeylo dhaan ka soo saartay abaarta ku dhufatay Soomaaliya, iyadoo dadka wax heysta ugu baaqday inay ka qeyb qaataan, oo u soo jeestaan sidii xaaladaan adag looga samata bixin lahaa, dadka nugul oo gaajada iyo oonka ugu dhimanaya deegaanada qaar.

Waxaa isa soo taraya qeyla-dhaanta ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya, xilli ay boqollaal carruur ah u dhimanayaan gaajo iyo macluul.

Qaramada Midoobay, hey’adaha kale ee caalamiga ah ee gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii u danbeeyay soo saarayey warbixino sheegaya in abaartu ay isku-bedeli rabto macluul galaafata nolosha kumanaan qof.

Hiba Nuura oo la hadashay Idaacadda VOA ayaa ugu horeyn u duceysay dadka Soomaaliyeed ee abaartaan ay saameysay, sidoo kale waxay tilmaantay in dadka caanka ah ay door muhiim ah ka qaada karaan gurmadka dadka tabaaleysan.

Waxay sheegtay in xilligii ay dowladda adag ka jirtay Soomaaliya aysan qabin walwal badan, maadaama ay dowladdu awood u laheyd inay dadka caawiso baahiyahooda, balse hadda waxay sheegtay in xaaladaan aan lagu haley karin dowladda kaliya.

“Sidii hore manihin, laakiin 20 sano ee u dambeeyey dowladihii soo dhismayey ee dalka ka jiray inta karaankood ah dadka waa caawinayeen, waxaan dadka caanka ah u soo jeedinayaa in bulshada ku xiran ay ugu gacan haatiyaan gurmadka dadka ay sameysay abaarta ka jirta dalkeenii,” ayey tiri Hiba Nuura.

Hoos ka dhageyso wareysiga