HirShabelle oo go’aan kasoo saartay haddii Beledweyne lagu qabanayo doorasho

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay shakiga laga muujinayo in magaalada Beledweyne ay ka dhici karto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal.

Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto duruuf baajin karta in magaalada Baladweyne lagu qabto qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in Maamulka HirShabele ay ka go’an tahay in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kuraasta aqalka hoose ee magaaladaas taas, wuxuuna sheegay inay fuliyaan heshiiskii 27-ka May ay magaalada Muqdisho ku saxiixdeyn Ra’iisu Wasaare Rooble, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Baladweyne Doorasho way ka dhici kartaa weyna ka dhaceysaa waana loogu talagalay, Shacabku way rabaan oo heshiiska ayay ku qoran tahay, ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa joogta,” ayuu yiri Wasiir Caadle.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey isugu dayey in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, si aysan doorasho ugu qaban Beledweyne iyo Garbahaarey, hase yeeshee qorshahaas ayaa socon waayey.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalameen Ciidamada HirShabelle iyo maleeshiyaad uu wato Jeneral Abuukar Xuud waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.