Sawirro: Beesha caalamka oo aqbashay codsi uu R/W Rooble hordhigay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ku gaareen magaaladda Muqdisho.

Rooble ayaa beesha caalamka hordhigay codsi ah inay bixiyaan dhaqaalaha doorashada qeybta Beesha Caalamka laga sugayo si doorashada loogu qabto waqtigii lagu heshiiyey.

Sidoo kale, Rooble ayaa beesha Caalamka ka codsaday inay kala qeyb qaadato sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo ay u siman yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda.

Kulanka ayaa la isku afgartay in beesha caalamka ay qaadato doorkooda ku aadan taageerada dhaqaale iyo farsamo ee looga baahanyahay, si loo gudo galo qabashada doorashooyinka dalka

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ah ayaa shalay doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen guddiga , waxaana si habsame leh u socdo howlaha la xiriiro doorashooyinka.

Heshiiskii 29 June ku dhax maray Muqdisho Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynimo Soomaaliya ay dhici doonto 10 October 2021.