HirShabelle oo mar kale dib u dhigtay doorashada kuraas taal Beledweyne + Sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada HirShabelle ee (SEIT) ayaa dib u dhigay doorashada 11 kursi oo taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Jadwalka kuraastan ayaa la shaaciyey labadii bishan, waxaana qorshuhu ahaa in doorashadooda la qabto 8 iyo 9 bishan aynu ku jirno ee March.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa sababta dib loogu dhigay doorashada kuraastaasi ku sheegay arrimo farsamo dartood, wuxuuna guddiga shaaciyey inay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doorashada kuraastaas oo ku harsan Beledweyne.

“Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed. Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga maamulka doorashada HirShabelle.

Kuraastan oo ay qaarkood ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn leh ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

Yaa ku fadhiya?

1- Hop#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).
2- Hop#010 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Maxamed Axmed (Jindi).
3- Hop#011 waxaa ku fadhiya C/risaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga.
4- Hop#019 waxaa ku fadhisa Farxiyo Muumin Cali.
5- Hop#030 waxaa ku fadhiya Daahir Amiin Jeesoow.
6- Hop#039 waxaa ku fadhisa Drs Maryan Axmed Haaruun.
7- Hop#058 waxaa ku fadhiya Nuur Iidow Beeyle.
8- Hop#059 waxaa ku fadhiya Samiiro Xasan Cabdulle.
9- Hop#063 waxaa ku fadhiya C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.
10- Hop#066 waxaa ku fadhiya Cumar Cismaan Waasuge.
11- Hop#135 waxaa ku fadhisa Aamino Maxamed Cabdi.

Si kastaba, dib u dhaca ku yimid doorashadani ayaa kusoo aaday, iyada oo culeys xoogan haatan laga dareemayo Beledweyne oo ay ku sugan yihiin inta badan musharixiinta xil doonka ah, iyada oo habeen horena maleeshiyaad gadoodsan ay soo galeen magaaladaasi.