Hoggaamiyihii Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka.

Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.”

Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump.

Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa wargeyska Newsweek u sheegay in howl-galkaas lagu dilay Al-Baghdadi. Sidoo kale sarkaal kale ayaa Aqalka Cad u sheegay “inay kalsooni buuxda ku qabaan” in Abu Bakar Al-Baghdadi la dilay.

Xubno ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Howl-gallada gaarka ah ayaa howl-galka fuliyey kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo la isku haleyn karo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goobta howl-galka laga fuliyey ayaa waxaa dusha lagala socdaa muddo fog.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com