Xildhibaanada Jubbaland oo ansixiyey madaxweyne ku-xigeenada Axmed Madobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel mariyey labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka labaad, Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo markale xilalkaasi loo magacaabay.

Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ansax yihiin Madaxweyne ku xigeenada, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay gudan karaan shaqooyinkooda.

Sayid Aadan iyo Lugadheere ayaa ah garbaha, Axmed Madoobe oo dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland, walow dowladda dhexe ay ka hortimid doorashadiisa.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu wax isbedal ah ka dhicin Jubbaland, marka loo fiiriyo saddexda qof ee ugu sarreysa maamulkaasi oo markale ku soo laabtay kuraasta.

Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan Axmed Madoobe ayaa ah khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com