Is-barbar dhig: Saameynta Itoobiya ee Somalia ee xilligii Xasan iyo xilliga Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxyaabihii ugu weynaa ee lagu doortay waxay aheyd dhibaato daran oo dalka ka jirta waxaase muhiimadda ugu weyn ay aheyd in dalkaan uu ka baxo saameenta ballaaran oo ay Itoobiya ku leedahay iyo siyaasadda ammaanka Soomaaliya.

Dareenka ka qaybgalayaasha doorashada iyo cod-bixiyaashii Baarlamaanka ee ku sugnaa hoolka doorashada waxa rogay hadal uu jeediyay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ahaa Musharax Madaxweyne iyo fariin goobaabin iyo dardaaran aheyd oo ay jeediyeen culimadii lagu marti qaaday doorashadii ka dhacday Soomaaliya 2017, kaas oo ahaa in dalka ay saameen balaaran ku leedahay dowladda Itoobiya ayna hadda joogaan hoolka doorashada.

Hada waxaa in la’is weydiiyo mudan shalay iyo Maanta yaa badan saameenta Itoobiya ee siyaasadda Soomaaliya?

Farqi weyn oo muujinaya hoos u dhac ku yimid saameenta Itoobiya ee siyaasadda gudaha iyo amniga Soomaaliya maanta ma muuqdo balse waxaa muuqata in Itoobiya ay gaartay heerar iyo talaabooyin aysan markii hore ku dhiiran karin taas oo muujineysa in Itoobiya ay sii fidisay saameenteedii Soomaaliya.

Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh: Xiligii uu talada dalka haayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Itoobiya waxay laheyd saameyn ay ku qal-qal gelin karto siyaasadda Soomaaliya sababtoo ah waxay ku xirneed inta ugu badan madaxda dowlad gobaleedyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dalka ku sugnaa General Gabre oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya.

Gabre waxa uu ka soo muuqan jiray Kaamiriyoonka xiliyada ay jiraan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya balse hadda waxa uu galay xubno badan oo uu saameeyay isbadalka ka dhacay Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud saaxiib dhow uma aheyn Itoobiya mana jirin cadeymo muujinaya in Itoobiya uu ku xiran yahay balse waxa uu ku qabay dhib waxaana loo soo adeegsan jiray dowlad gobaleedyada, ayadoo ay dhacday in marar badan uu warbaahinta ka sheegay in dalalka dariska laga soo abaabulo shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Hadda uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo: Itoobiya waxay maanta Soomaaliya ku leedahay saameyn balaaran waxayna gaartay heer aan la filayn in ay gaari doonto, ayada oo ay banaanka u soo baxday galaan-gal xoog leh oo siyaasadda iyo amniga ah.

Waxaa jira kiisas badan oo muujineysa in Itoobiya ay isku balaarisay siyaasadeed Soomaaliya islamarkaana ay ka fushato dano badan laakiin waxay badashay qaabkii markaas ay wax u qabsan jirtay. Halka ay markii hore gacan saar la lahayd maamul goboleedyada, waxay hadda la xiratay dowladda dhexe, iskana tuurtay maamullada. Waxay ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin:-

  1. Itoobiya waxay ku guuleysatay markii ugu horreysay in loo gacan geliyo mid kamid ah halgamayaasha Soomaaliya ee Xorriyad u dirarka ah, Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax.
  2. Itoobiya waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ka dhigto dalkii labaad ee adfuunka ku yaalla oo ONLF u aqoonasda Argigixiso, halka dalka koowaad uu ahaa Itoobiya oo dagaal kula jirta. Yururb, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika hal dal oo kamid ah ONLF uma aqoonsan argigixiso marka laga reebo Itoobiya iyo Soomaaliya. Inkasta oo kadib imaatinkii Abiy Ahmed ay Itoobiya taas ka noqotay, dowladda Soomaaliya weli kama laaban go’aankii ay ONLF ugu sheegtay urur argagixiso.
  3. Itoobiya waxay markii hore la macaamili jirtay maamul gobaleedyada oo aan laheyn awood ay ku bixiyaan wax danguud ah balse loo adeegsan jiray jebinta Qarankooda balse maanta waxay toos ula macaamishaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna si weyn ugu milan tahay siyaasadda Soomaaliya.
  4. Itoobiya waxay Shalay ay taageersaneyd Axmed Madoobe oo ka soo horjeeday Xasan Sheekh markii ay dhacday doorashadii tan ka horreysay waxayna markaas usoo dirtay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya halka maanta ay la safantahay Farmaajo oo ay cadaadis ku heyso Axmed Madoobe. Arintaan waxay muujineysaa in shalay danaha siyaasadeed ee Soomaaliya laga raadin jiray dowlad gobaleedyada balse maanta laga helayo Villa Somalia.
  5. Inta jeer ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u safray Itoobiya 4-tii sano ee uu talada dalka haayay waxaa dhowr jeer ka badan safarka Madaxweyen Farmaajo oo xilka hayo muddo ka yar 3 sano walina waxaa u dhiman safaro kale.
  6. Itoobiya waxay badashay awoodii xoog ku muquuninta waxayna u badashay in ay la saaxiibto Madaxweynaha Soomaaliya loo dhigo ballamo aan mira dhalin, intoobada ugu badanna lagu mudeeyo waqtiyo aan dhawayn halka qaar kalane looga baxay.
  7. Ballamaha looga baxay Soomaaliya waxaa kamid ah in Soomaaliya la siiyo Xogyahaya IGAD waxaana loo magacaabay muwaadin u dhashay Itoobiya, iyo Villa Somalia laga taageero ka hortaga Axmed Madoobe oo guul darro ku soo dhamaatay.

Inkastoo ay caqabadahaas iyo kuwa kalaba ay dalka ka jiraan haddane maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ku guuleesteen in bulshada Soomaaliyeed ku qanciyaan wax ka fog xaqiiqda dalka taalla. Masuuliyiinta DF waxay sameesteen koox dhalinyaro ah oo baraha bulshada kula dagaala Warbaahinta, siyaasiinta iyo shaqsiyaadka soo bandhiga xaqiiqda Soomaaliya ka jirta, hase waxaa jira malaayiin kale oo kawar qabta dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale, kuwaas oo aan lagu guuleysan in la marin habaabiyo.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid