Ilhaan Cumar oo la safatay Kurdiyiinta ay is-hayaan Turkey, soona saartay digniin

Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tiri: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tiri iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya.

Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka uusan weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xir-xirayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan.

Laba isbuuc ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG.

Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK.

Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda.

Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye.

Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”.

“Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”.

“Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan.

“Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”.

“Ficillada” Turkiga “waa kuwo aan la difaaci karin”, ayey hadalka ku sii dartay Ilhaan Cumar.

Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan.

“Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe.

Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?”

“Waan baareynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yiri Jeffrey.

Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”.

James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”.

“Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tiri: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”.

Warqaddii Trump ee “qashin-qubka lagu daray”

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, ka dib markii la gaarsiiyay, sida BBC loo xaqiijiyay.

Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”.

Dad ka tirsan Madaxtooyada Turkiga waxay BBC u sheegeen in Erdogan uu warqadda “uusan aqbalin gebi ahaanteedaba”.

Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

“Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda.

“Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.”

Taas isagoo ka jawaabaya, ilo ku dhow madaxtooyada Turkiga waxay sheegeen: “Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda, wuu diiday waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”.

Isha: BBC Somali