Qalad laga fahmay nidaamka federalka & mucaaradnimada

Federaalnimadu maxay tahay?

Federaalnimadu waa nidaam dastuuri ah oo qeexaya qaabka loo wadaagayo awoodaha maamulka siyaasadda iyo khyaraadka waddan, kaas oo siinaya gobollada maamul hoosaad dhab ah laakiin ku siman gobolkooda, kaas oo u madax banaynaya inay maamulaan degaanadooda.

Dawlad goboleedyadu awood sharci iyo mid dastuur toona uma laha maamulka kore ee waddanka sida siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacag samaynta, bixinta Passporada, ururinta canshuuraha; ilaalinta xuduudaha dhulka, hawada, iyo badda, maamulidda dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, bixinta jinsiyadaha, iyo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Muxuu noqon karaa xiriirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada

Xiriirka Dawladda dhexe iyo gobollada ka dhexeeya ma ah mid ay is bur-burin ee waa mid ay is buuxiyaan, ma aha mid tartan ee waa mid tacaawun ah, ma aha mid ah dawlado is garab yaal ee waa mid dawlad sare iyo maamul hoosaadyo hoos imaanaya dawladdaas sare.

Federaalnimadu ma aha tartan, iska hor imaad dhex yaal dawaladda dhexe iyo gobollada iyo doqonimo siyaasadeed oo an u danaynay danta waddaka iyo tan bulshada Soomaaliyeed.

Nidaamka Federaalnimadu ma ku habboon yahay Soomaaliya

Nidaamka Federaalnimada waxaa loo qaata si loo xalliyo khilaafka siyaasada iyo kan mujtamaca/qbaliga ah ee dhex yaal dal ay wadaagaan dad kala diin, kala dhaqan, kala luqad, kala midab, ama kala dano ah, isla markaana dadka dalkaas ku nool aysan kalsooni isku qabin.

Soomaaliya waxa ka jira uun tan kalsooni darrada qabaailka dhex taal, taasna ma keenayso in Soomaaliya qaadato nidaamka federaalka. Sidaa awgeed nidaamka federaalku kuma habboona Soomaaliya, wax aan dhib ahayna kuma soo kordhin waddanka. Qabaa’ilkii uun buu sii kala qabiyay oo sii kala fogeeyay halkii uu ka midayn lahaa mujtamaca.

Waxa kaloo federaalka loo qaataa in gobollada dalka oo la gaarsiiyo horumar iyo adeegyo dhamays tiran, taas oo keenaysa in gobol walba saami fiican ka helo wuxu soo saaro iyo canshuuraha laga uruuriyo gudihiisa, iyadoo dawladda federaalkuna ay gobol walba kabayso, saami ka siinayso khayraadka iyo canshuurah dawaldda dhexe uruuriso.

Waddankaada lama mucaarado ee qof iyo siyaasaddiisa ba la mucaaradaa

Mucaarad waa la noqon karaa oo dawlaadda markaas jirta iyo madaxdeedaba mucaarad waa lagu noqon karaa laakin sax ma aha in mucaarad lagu noqdo waddanka, dawaladnimada, qaranimada, midnimada, iyo horumarka dalkaada.

Ma aha in mucaaradku u dhaqmaan in haddii sida ay iyagu rabaan aan la helin in wax walba la bur-buriyo, iyagoo aan eegayn mustaqbalka jiritaanka dalka Soomaaliya. Dal iyo dawlad lama bur-buriyo ee waxaa mucaarad lagu noqdaa qof iyo aragtidiisa siyaasadeed ama mabdi’iisa iyo xisbigiisa.

Tusaale ahaan, caleemo saarkii Axmed Madoobe waxa yimid Kismaayo diyaarad ay la socdeen wafdi ka socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayay xildhibaan ay isku hayb yihiin Axmed Madoobe. Diyaaraddaas waxay ku xad gudubtay xayiraad diyaaradaha ka saarnaa duulimaad ay Kismayo toos ugu tagaan, laakiin mucaaradkii ka qayb galay xafladda Axmed Madoobe midna kama hor imaan xad gudubkaas.

Waxaa is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in diyaarad Kenya ka timid ay ugu degto gobol ka mid ah Soomaaliya iyadoo an fasax ka haysan dawladda Soomaaliya? Sidee u dhici kartaa in mucaaradkii Soomaalidu ay taageeraan in dawlad shisheeye ku soo xadgubto hawada dalkooda, isla markaasna ay u riyaaqaan una sacabo tumaan khudbadii wafdigii Kenya ka jeediyeen madasha, taasoo uu ula dhaqmay maamul goboleedka jubaland sidii dawlad gaar ah.

Yaa khatar badan waxa mucaaradku raadinayaan iyo dhibka soo gaaraya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Haddii mucaaradku beeri ka maalin talada qabtaan maxay samayn doonaan oo ka yeeli doonaan rabitaanka Kenya oo ah inay xoog iyo xeel hadba kii u suurooba kula wareegaan qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya iyo khayraadka ku jira.

Ka horjeedka laga soo horjeedo dawladda maanta iyo madaxdeeda ma aha in waddanka iyo dawladnimada loo bur-buriyo. Mucaaradki ma markii ay talada qabtaan bay noqonayaan waddaniyiin wanaagsan oo daacad ah?

Qofkaad rabto inaad barato, dadka uu ku xiran yahay baa la bartaa.

Bal aan dib u fiirino cidda hiil iyoo hooba had iyo jeer heegan ula ah mucaaradka Soomaaliya. Mucaaradka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Shiikh Shariif, Hassan Sh.Maxamud, Cabdiraxman Cabdi Shakur, Ina Cabdirashid Cali Sharmake, Siciid Deni, Axmed Madobe, iyo Fiqi waxay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helaan dalal iyo ururro cadow u ah Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay badankooda uma qalman inay dal maamulaan.

Tusaale ahaan, markii wax laga waydiiyay Shiikh Shariif oo madaxwayne ahaa markii Ina Cabdi Shakuur saxiixay MoU-dii Kenya lagula heshiiyay inay badda Soomaaliya la wareegto, wuxuu yiri waxba kama ogayn heshiiskaas ee ha la waydiiyo Ina Cabdirashid, iyo Cabdiraxman C. Shakur. Sidee buu Shiikh Shariif rabaa inu mar kale madaxwayne uga noqdo Soomaaliya isagoo dembiga intaa le’eg ka galay dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaan u baahan nahay mucaarad waddani ah, waddankana aan dhiig iyo dembi ka gelin.

Xalka Soomaaliya waa in masuuliyiinta talada dalka qabanaysa oo dhan ay doorasho qof-iyo-cod ah ku yimaadaan. Xuquuq simanna ay isku yeeshaan dawaldda dhexe, goballada, iyo degmooyinka dalka oo dhan.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid