Howl-gal qorsheysan oo laga sameeyey Gaalkacyo iyo ganacsiyada oo xiran

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Galmudug xalay ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah.

Howl-galkan ayaa intii uu socday ciidamadu waxa ay ku galeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyaga oo baarayey gaadiidka iyo sidoo kale dadka socotada ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas lagu soo qab-qabtay dad looga shakisan-yahay inay ku lug leeyihiin falalka amni darrada ah ee ka dhaca gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka, waxaana la geeyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga magaaladaasi.

Dhinaca kale goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa maanta xiran, kadib amar ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka magaaladaasi oo la dul-dhigay dadka shacabka ah.

Ujeedada ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka iyo ganacsatada laga rabo inay kasoo qeyb-galaan dibad-bax maanta ka dhacaya halkaasi, kaas oo  looga soo horjeedo Al-Shabaab, sidoo kalena lagu taageerayo howl-gallada ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid xir-xiran, waxaana hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo sidoo kale isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Galmudug ayaa bilihii u dambeeyey laba jibaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug.