Al-Shabaab oo laga dilay 60 dagaal-yahan iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey Radio  Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabkii saakay weeraray Camaara ay iska soo hor mariyeen gaadiid xoolo nool siday, kaas oo isku qarxiyey xerada ciidanka dowladda ay ka deganaayeen deegaanka.

“Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gawaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii saakay, oo markii ay dib u riixeen kooxda duqeyn culus lala beegsaday, taas oo khasaare badan uu kasoo gaaray Al-Shabaab.

Dhankooda waxa uu sheegay in shan askari oo hal sarkaal uu ku jiro ay uga geeriyoodeen dagaalka, halka dhanka Al-Shabaab uu sheegay in khasaaraha gaaray uu 100 dagaalame kor u dhaafayo, balse uu xaqiijinayo 60 dhimasho ah iyo dhaawacyo kale oo nolosha lagu qabtay, sida uu sheegay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay maanta qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle