Howlgalka RAILA: Maxaad kala socotaa qorshaha uu Odinga aqoonsiga ugu raadinayo SOMALILAND?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga waxa uu ku jiraa halgan aan suurtagal ahayn oo uu aqoonsi ugu raadinayo Somaliland.

Odinga waxa uu horseed ka ahaa ol’olaha aqoonsiga loogu raadinayo Somaliland si ay u noqoto dal madax bannaan, waxaana loo arkaa saaxiib qiime leh marka ay timaado in Somaliland ay ka go’do Somalia.

Magacaabistiisii Midowga Africa ee ah Ergeyga sare ee horimarinta Africa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Hargeysa, iyaga oo rejeynaya in Odinga oo saaxiib la ahaa uu maamulka ka caawin doono sidii ay u raadsan lahayd aqoonsi.

Mr Odinga waxaa lagu waday in uu shirkii maalgashiga ee Somaliland ku qabsatay Nairobi ka noqdo marti sharaf sare.

Sida laga soo xiganayo xafiiska Somaliland ee Nairobi, shirkaas laba maalmood ahaa waa kii ugu weynaa ee ay Somaliland ku qabsato Africa halka mid noociisa oo kale ah hore loogu qabtay London.

“Waxaan u isticmaaleynaa shirkan sidii Somaliland loogu furi lahaa Kenya iyo maalgashiga wadamada Bariga Africa,” waxaa sidaas yiri ergeyga Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cumar.

“Waxaa jira meelo badan oo aan ka wada shaqeyn karno Kenya iyo wadama Bariga Africa. Waxaan dooneynaa dhoofka baayac mushtarka Kenya, halka anagana aan u iibgeyno xoolaha Kenya,” ayuu ku daray.

Waxaa sidii oo kale laga wada-hadlayey iskaashi dhexmara Dekedda Berbera iyo midda Mombasa.

Somaliland sidoo kale waxa ay dooneysaa in duullimaadyo toos ah oo Nairobi iyo Hargeysa ah ay bilowdo, sida laga soo xiganayo Baashe taas oo sare u qaadeysa isdhexgalka ganacsi ee muwaadiniinta labada dhinac.

Kenya Airways waxa ay hore u muujisay sida ay u dooneyso duulimaadyo toos ah oo ay ku tagto Hargeysa.

Dalka Kenya waxa uu raadinayaa ganacsi iyo heshiisyo siyaasadeed oo uu si toos ah ula galo Hargeysa halkii uu Muqdisho lala gali lahaa.

“Kaalaya nagala shaqeeya dhisidda dalkan weyn ee Somaliland; waxaan haysannaa fursado badan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon).

Marka laga yimaado ganacsiga, shirkii labada maalin socday waxaa looga ol’oleeyey aqoosniga Somaliland.

Raila Odinga oo si weyn ula socday xasaasiyadda arrinta iyo gadoodka ka imaan kara dowladda Somalia waxa uu ka baaqday shirkii Somaliand ee uu ka casuunnaa.

Hase ahaatee, taas kama reebin in uu si qarsoodi ah kulan ula yeesho wafdigii Somaliland.

Mr Odinga kali kuma ah u ol’oleeynta aqoonsi raadinta Somaliland, Xoghayaha Ganacsiga ee Kenya Peter Munya ayaa isna si teel teel ah ugu ol’oleeyey kiiska Somaliland gaar ahaan xilligii uu ahaa gudoomiyaha barasaabyada Kenya.

Somaliland waxa ay ka mid tahay suuqa qaadka Kenya ugu weyn halka Munya gobolka uu ka soo jeedo ee Meru uu soo saaro Qaadka ugu Badan ee Kenya.

Waxaa mudan in laga war sugo in Odinga ol’olihiisa aqoonsi raadinta Kenya ku guuleysto balse waxaa xusid mudan in uu dadaalka ka billaabayo Nairobi, dalkiisa Kenya.

Mawqifka dowladda Kenya ee madax bannaanida Soomaaliya

Sida laga soo xiganayo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya Ababu Namwamba, Kenya wali ma soo gaarin codsi rasmi ah uu ku saabsan arrinta aqoonsiga, haddii ay timaaddo, “Waxaa lagu salleyn doonaa ruuxiyad wanaagga qaraarkii Midowga Africa ee xushmeenayey madax bannaanida iyo karaamada dalalka xubnaha ka ah.”

“Waxaan qadarin u haynaa in Soomaaliya tahay Federal iyo daris wanaagsan. Shaqada hadda socota waa in la dhiso Federal mideysan, Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu mas’uulka Wasaaradda Arrimaha dibedda yiri.

Si tani ku dhacdo, waa in dadka ay quseyso ee maxaliga ah, gobolka iyo bulshada caalamka ay muujiyaan sida ay u daneeynayaan, haddana waxa ay caddeeyeen diidmadooda ah aqoonsiga Somaliland.

Hadda waa mid xilli dambe ku ah Somaliland in ay hore u waddo oo ay iyadu hoggaanka u qabato dadaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com