Maamulka Puntland ka filo madaxweyne ah Nabad iyo Nolol, waana tan sababta

Dhawr iyo labaatan cisho ayaa inaga xiga doorashada Madaxweyne ee maamulka Puntland, doorasho noqoneysaa middii ugu xiisaha badneyd abid intii uu maamulkaas jiray.

Xiisaha waqtiga ayaa ugu wacan saameynta ay dowladda dhexe ku leedahay dhaq dhaqaaqa Garoowe ma aha mid sahlan, Imaarat ayaan isna dab yar shideyn.

Dowladda dhexe waxa ay aad ugu dadaaleysaa in ay soo saarto musharax qarsoon oo iyada ku xiran, wallow ay jiraan shaqsiyaad la tuhmayo sida Ina Diyaano, Jabiye iyo Cali Xaaji Warsame, hadana cabsi badan ayaa jirta oo ku saabsan in ay jiri karaan tiro kale oo qarsoon.

Hase ahaatee, xisaab ahaan ayaa loo sii saadaalin karaa guusha Nabad iyo Nolol iyo guuldarradooda.

GUUSHA NABAD IYO NOLOL

Dowladda dhexe waxa ay si buuxda ugu guuleysan kartaa haddii ay gacanta ku dhigto 17 xildhibaan ee Beesha Dhulbahante ku matalaa golaha wakiilada Puntland. Hadda waxaa u xil saaran arrintaas Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ee Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo soo xulistooda ay aad ugu dagaalamayaan Cabdiweli Gaas.

Taas, waxaa caddeyn u ah labadii guddi ee ay soo kala saareen dhawaan oo si weyn u magic dilay maamulka 20 jirka ah oo aysan sidaas oo kale hore uga dhicin.

Si kastaba, ma caddaa in Camey ku guuleysan doono inuu dhammaan xildhibaanada beeshiisa isaga soo xulo, balse haddii ay taas dhacdo, waxay dhabarjab weyn ku tahay Cabdi Weli Gaas.

SAAMEYNTA XILDHIBAANADA DHULBAHANTE

Marka hore aan ogaanno saami qeybsiga xildhibaanada Puntland.

Miisaankaas waxaa kuu soo baxaya sida ay saameynta doorashada Madaxweyne ugu leeyihiin xildhibaanada Dhulbahante.

Caadiyan 31-ka Majeerteen iyagaa is xifaaliya oo isu kala saara Maxamuud Saleebaan iyo Majeerteen intiisa kale, kuwii xulufu la noqda 17-ka Dhulbahante ayaa mar walba ku guuleysta Madaxweynaha Puntland.

IS AFGARADKII HORE/ GENTLEMAN AGREEMENT

Maxamuud Saleebaan (Cumar Maxamuud, Cismaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud) waxaa hore uga dhexeeyey is afgarad ah in uu Madaxweyne noqdo shaqsi saddexdaas Ilma Saleebaan ka soo jeeda halka Ku Xigeeen uu mar walba ka soo baxo iyada oo aan lagula tartamin Dhulbahante.

Hase ahaatee, doorashada sanadkan laba sababoodba iskaashigaas Maxamuud Saleebaan iyo Dhulbahante meesha wuu uga bixi doonaa

NABAD IYO NOLOL

Dowladda dhexe waxa ay juhdi ballaaran galineysaa sidii ay u heli lahayd 17-ka Dhulbahante oo ay ugu xoojin lahayd yar yarka kale taas oo sahleysa in musharax a wataan uu soo boxo.

NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN

Waxaa sidoo kale iskaashigaas jebin kara dareenka kacsan ee NO MORE Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntland jirtay hagbad ahaan isugu dhiidhiibayey, taas oo ka dhalatay in Dhulkii Dhulbahante oo dhan gacanta ka boxo, Warsangeli sii socdo, Leelkase Galmudug doonayo halka Cali Saleebaan ay Daacashi isugu biyo shubteen.

Dhammaan qodobadaas kor ku xusan waxa ay lagama maarmaan ka dhigi doontaan in sanadkan Madaxweyne Nabad iyo Nolo ah ku guuleysto xilka ugu sarreeya ee Puntland.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid