Tehran (Caasimada Online) – Ali Larijani oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Iran ayaa fariin u diray dunida Islaamka, isagoo ka hadlay xaaladda colaadeed ee gobolka Bariga Dhexe iyo mowqifka dowladaha Islaamka ee ku aaddan xiisadda u dhexeysa Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Weerarkii dagaalka uu ku bilowday ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan ayuu sarkaalkan ku tilmaamay mid “khiyaano ah,” maadaama ay markaas socdeen wada-hadallo.
Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan oo qoraalkiisa ku garnaqsaday ayaa su’aalo ka keenay doorka dowladaha Islaamka ee ku aaddan colaadda, isagoo ugu baaqay inay ka fikiraan mustaqbalka dunida Islaamka iyo midnimada ummadda.
“Ma la filayaa in Iiraan ay iska fadhiisato iyadoo saldhigyada Mareykanka ee dalalkiinna laga weerarayo? Kuwani waa marmarsiiyo daciif ah,” ayuu yiri Ali Larijani oo ka jawaabay in qaar ka mid ah dalalka Carabta ay cadow u yaqaanaan Iiraan kadib weerarada ay ka fulisay bartilmaameedyo ku yaalla dhulkooda.
Sidoo kale, wuxuu shacabka Iiraan ku ammaanay sida wadajirka ah ee ay uga hortageen weerarka gardarrada ee dalkooda lagu soo qaaday.
“Midnimada ummadda Islaamka, haddii si dhab ah loo gaaro, waxay awood u leedahay inay dammaanad qaaddo amni, horumar iyo madax-bannaani dhammaan dalalka Islaamka.”
Hoos ka aqriso qoraalka Ali Larijani oo turjuman:
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Ku socota Muslimiinta adduunka oo dhan iyo dowladaha dalalka Islaamka
1. Iiraan waxaa lagu qaaday weerar khiyaano ah oo ay wada qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil, weerarkaas oo dhacay xilli wada-hadallo socdeen, ujeeddadiisuna ahayd in la burburiyo Iiraan.
Weerarkaas wuxuu sababay shahiidnimada hoggaamiye weyn oo naftiisa u huray Kacaanka Islaamka, iyo sidoo kale dad rayid ah iyo saraakiil ciidan.
Si kastaba ha ahaatee, kuwii weerarka soo qaaday waxay la kulmeen iska caabin adag oo qaran iyo Islaami ah oo ka timid shacabka Iiraan.
2. Waxaad ogtihiin in marka laga reebo xaalado dhif ah oo ku koobnaa hadallo siyaasadeed, aysan jirin dal Islaami ah oo si dhab ah ula saftay shacabka Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka Iiraan oo leh go’aan adag ayaa awood u yeeshay inay joojiyaan weerarka, ilaa maanta soo duulayaashu ma aysan helin waddo ay kaga baxaan xaaladdan istiraatiijiga ah.
3. Iiraan waxay sii waddaa jidka iska caabbinta ee ka dhanka ah Shaydaanka Weyn iyo Shaydaanka Yar, “kuwaas oo ah Mareykanka iyo Israa’iil.”
Laakiin ma ahan mid la isku khilaafsan yahay in qaar ka mid ah dowladaha Islaamka ay ka hor yimaadaan hadalka Nebiga (NNKH):
“Qofkii maqla nin leh ‘Muslimiinoow!’ oo aan u jawaabin, Muslim ma aha.” Islaam noocee ah ayaad tihiin?
4. Qaar ka mid ah dalalka ayaa xitaa sii fogeeyay arrinta, iyagoo sheegay in Iiraan ay cadow u noqotay sababtoo ah waxay bartilmaameedsatay saldhigyada Mareykanka iyo danaha Mareykanka iyo Israa’iil ee ku yaalla dhulkooda.
Ma la filayaa in Iiraan ay iska fadhiisato iyadoo saldhigyada Mareykanka ee dalalkiinna laga weerarayo? Kuwani waa marmarsiinyo daciif ah.
Dagaalka maanta wuxuu u dhexeeyaa Mareykanka iyo Israa’iil dhinac, iyo Iiraan Muslim ah iyo xoogagga iska caabbinta dhinaca kale. Adinkuse dhinacee baad taagan tihiin?
5. Ka fakara mustaqbalka dunida Islaamka. Waxaad ogtihiin in Maraykanku lagu kalsoonaan karin, Israa’iilna ay tahay cadowgiinna.
Hakada oo ka fikira naftiinna iyo mustaqbalka gobolka. Iiraan waxay idin siinaysaa talo, mana doonayso inay idin maamusho.
6. Midnimada ummadda Islaamka, haddii si dhab ah loo gaaro, waxay awood u leedahay inay dammaanad qaaddo amni, horumar iyo madax-bannaani dhammaan dalalka Islaamka.
Nabadgalyo korkiinna ha ahaato.
Addoon ka mid ah addoommada Eebbe
Ali Larijani
Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan.

