ILA ARAG: XEELAAD aan ka yaabay oo xatooyada Muqdisho kusoo korortay!!

Tuug waxaa la yiraa qofka had iyo goor isku howla qaadashada hantida dadka kale isagoo adeegsanaya xeelada qarsoon oo uu wax ku qaadanayo. Waxaana xeeladahaas oo xatooyo loo yaqaan ay yihiin kuwo aad u badan oo mid kastaba ay tan kale ka yaab badantahay.

Xeelad aan ku tilmaami karo tii ugu yaabka badnayd ee Tuugadu ay wax ku xadaan ayaa Maanta la iigaga sheegay Magaalada Muqdisho, iyadoo tanina ay tahay sida dad badani isku raaceen Xeelad aad u halis badan oo dadku aanay si toos ah ugaga feejignaan karin isagana ilaalin karin.

Ganacsade Liibaan
Ganacsade Liibaan

Mid ka mida Ganacsatada Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Cumar (Gacma-Dheere) ayaa iigaga sheekeeyay dhacdo maanta isaga qabsatay oo sababteeda uu ku waayay hanti gaareysa $150.

Ganacsadahan ayaa wuxuu xusay in isagoo goobtiisa Ganacsi ku jira ay usoo galeen Laba nin oo doonayay inay Badeecadihiisa mid ka mida iibsadaan, ka dibna ay Telefoonkooda gacanta lasoo bexeen si ay isaga dhigaan kuwo tuuraya Lacagta Telefoonada lagu qaato ee EVC-ga Xamar looga yaqaan.

Arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay in Nimankii midkood uu Telefoonka usii dhiibay ninkan ganacsadaha ah ee sheekadan lagasoo xigtay isla markaana uu ka codsaday inuu bal isaga galo qaybta EVC-da laga tuuro halkaasna ka tuurto lacagtii uu xaqa u lahaa ee Badeecada looga iibsaday.

“Markii aan Telefoonka ay Nimanku iisoo dhiibeen gacanta galiyay ayaa miyir iigu dambeysay. Waxaan arkayay iyagoo Telefoonka iga qaadanaya anoon wax lacag ah tuuran ka dibna isagasii baxaya goobteyda Ganacsiga iyagoo wata Badeecadii ay aniga iga qaateen” sidaas ayuu hadalka sii raaciyay Ganacsade Liibaan oo intaas ku daray in daqiiqado dhowr ah ka dib uu kusoo baraarugay wixii dhacay, markaas oo uu ogaaday in Badeecadiisii laga qaatay iyadoo aan Lacag la siin.

Mar aan waydiiyay sida ay arrintanu ku dhacday iyo waxa uu bal isagu is yiri inay Nimanku u adeegsadeen xadista alaabtiisa, ayuu si kooban iigu sheegay in Raggan ay dhowr jeer oo todobaadyadan gudahooda ah sidaas oo kale u xadeen Dukaamo Suuqa ku yaala, iyagoo isla Mobile-kaas ay dadka u dhiibayaan adeegsanayaan. “Waxaa leysku raacay inuu Mobile-koodu sixranyahay oo qofkii gacanta galiyana uu miyir beelayo” ayuu hadalka kusoo gaba-gabeeyay.

Arrintan waa mid halis badan oo ay tahay inay dadka Ganacsiga ku leh magaalada iyo qof kastoo tuugada necebi uu aad uga feejignaado. Waxaana ugu haboon oo looga hortagi karaa inaan lagu deg-degin Telefoonada ay dadka wax iibsanaya leeyihiin ee inta adigoo Ganacsade ah lagusoo dhiibo lagugu leeyahay Lacagta ka tuuro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com