Ilaalada la-taliyaha Mursal oo hubka laga dhigay gaadiidna lagala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacadda Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho, hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa hub ka dhigis ku samaysay la-taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka.

C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegayaa, in hubka dhigis lagu sameeyay ciidamo isaga ilaalo u ahaa una diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Jaamac looga yeeray xarunta Xisbiga oo ah taliska ciidamada Hoos tagaan, iyadoo lagu wargeliyay inay Mushaaraadkooda qaadan doonaan, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay inay wareejiyaan Gaari ciidan oo ahaa Cabdi Bille u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay kadib goobta kasoo baxeen iyaga oo aan hubeysneen.

Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee arintaan ka dambeysay, marka laga yimaad wararka sheegaya in mooshinka dartii sidan loogu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com