Muuqaal: Juxa oo loogu soo dhoweeyay GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online)- Wuxu ahaa isu soo bax noociisa aaney mudooyinkaan arag shacabka reer Puntland. Dadka ayaa ka yimmid Mudug, Nugaal, Bari ilaa Karkaar si ay usoo dhoweeyaan musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe, waxaana ay kumanaan shacab ah uga hor tageen daroonka diyaaraha ee Jeneraal Maxamed Abshir. Dadka ayaa tixanaa guud ahaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe.

Juxa oo loo arko musharaxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shacabka kula hadlay fagaaraha barxada Garoowe, halkaas oo uu ka jeediyay qudbad 19 daqiiqo ah.

Juxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay in sida ay shacabku isugu soo baxeen maanta iney muujineyso sida ay reer Puntland u doonayan iney doortaan hogaan wanaagsan, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay in 20 sanno kadib ay wali Puntland doorashadeeda odayaashu hagaan.

Wuxuu shacabkii isu soo baxay u balan qaaday in hadii la doorto uu shaqadiisa koowaad ka dhigi doono dhismaha xisbiyada, si doorashada xigta ay shacabku u doortaan hogaankooda.

Xiliga ay kusoo aaday doorashada Puntland ayuu musharax Juxa ku sheegay waqti aad xasaasi u ah oo uu dayacan yahay amniga Puntland, dhaqaale uusan jirin, Dowlada dhexe iyo maamuladu ay is heystaan wax badana loo baahan yahay in taxadar lagu wajaho ,waxaana uu ku baaqay in qofka la dooranaayo uu noqdo qof xogogaal ah, lasoo tijaabiyay, arrimaha taagana ka bixi kara.

Wuxuu soo hadal qaaday arrinta gobalka Sool isagoo sheegay in hadii la doorto uusan wax gor gortan ah ka galin doonin arrinta gobalkaas, wuxuu fariin u diray Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) oo uu sheegay iney ceeb ku tahay in wixii uu 30 sanno ka cabanayay uu isagu maanta ummada ku hayo.

Juxa wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dhiso doono ciidan amni oo xoogan iyo dhaqaale la isku haleyn karo, uuna ka dhabeyn doono riyada reer Puntland, sidoo kalana uu fursad siin doono dumarka iyo dhallinyarada waxbaratay. Dadka ayaa u muuqday kuwo aad ugu riyaaqay balan qaadyada musharax Cabdi Farax Siciid Juxa.

Hoos ka daawo qudbada oo dhemeystiran

 

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
Caasimada@live.com