Ilaalada madaxweynaha USA (Secret Service) oo shaqo yaab leh ka haya Somalia

Muqdisho (Caasimada online) – Ciidamada ilaalada madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaan Secret Service ayaa caawinaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, taasi oo ujeedada tahay inay ku tabaraan ka hor taga doolarka been abuurka ah.

Ciidamadan oo kaashanaya hay’adda lacagta adduunka ayaa qorshahooda waxay tahay ka qeyb qaadashada dib usoo nooleynta lacagta Soomaaliya iyo iney ka hor tagaan dadka doolarka been abuurka soo gelinaya dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga adduunka Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu faqrisan adduunka, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii 2015 uu gaaray 549.30 doolar wax soo saarka gudaha marka lala barbar dhigo Mareykanka oo sanadkaasi ahaa 56,115.70 Doolar.

Madaxa Hay’adda Dhaqaalaha IMF ee Soomaaliya Maxamed El-xaji ayaa sheegay in tababarka ku saabsan ka hor tagista doolarka been abuurka uu ka dhacay magaalada Nairobi bishii lasoo dhaafay ee February.

Lacagta Shilin Soomaaliga oo dalka uu leeyahay ayaa ah lacagta seddexaad ee wax lagu kala gato gudaha Soomaaliya, marka loo eego doolarka iyo lacagta oo moobeylada lagu kala qaato oo kaalmaha koowaad iyo labaad ku jira.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaanan awood buuxda u laheyn inuu ilaaliyo heerka is dhaafsiga lacagta, laakiin waxaa hadda socdo qorshe lagu dhisayo hay’adaasi, sida uu sheegay wakiilka hay’adda IMF ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyo ka hor sheegtay inay dooneyso inay ilaaliso lacagaha Soomaaliya ayna soo daabacaan lacag cusub iyada oo kaashaneyso IMF, waxayna taasi noqon doontaa markii ugu horeysay 25 sano kadib oo dowlada ay dhaqaalo soo daabacdo.

Laakiin waxaan wax sahlan aheyn hanaanka lacagtaasi cusub lagu soo daabacayo, waxaana hay’adda IMF ay sheegtay in agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan sidii lacagtaasi cusub loosoo daabici lahaa.

“Waqtiga la daabacayo lacagta cusub waxaa go’aamin doona masuuliyiinta marka ay hergeliyaan qorshaha ay isku raaceen, Sababtoo ah Soomaaliya waxay noqoneysaa meel doolarka kaliya looga adeegto mustaqbalka haddii lacag cusub aan la keenin”ayuu yiri wakiilka IMF ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com