IMAARAADKA oo weli ka aamusan dhawaaqii Biixi iyo mas’uul sare oo ku wajahan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli wax jawaab ah ka bixin hadal uu dhowaan Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii Berbera ee saldhiga u ahaa Imaaraadka loo badelay mid ay isticmaali doonaan dadka shicibka ah.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu isla dhowaan markale magaalada Burco ka sheegay ineyna ka bixin xukuumadiisu heshiiskii ay kula jirtay Dowladda Imaaraadka, balse ay wax iska badaleen qaabkii loo isticmaalayey madaarka, iyadoona ay wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariga Imaaraadku.

Wakaaladda Reuters, ayaa sheegtay inay ku guul-dareysatay inay jawaab uga helaan dowladda Imaaraadka, hadalkaasi ka soo yeeray madaxweyne Biixi ee saldhiga Imaaraadka, kadib markii ay dowladda Imaaraadku ka jawaabi weysay email ay wakaaladu u dirtay.

Isbadel weyn ayaa ku yimid howl-galadii dowladda Imaaraadka Carabta ee dalka Yemen, sida ay aaminsanyihiin dadka falanqeeya arrimaha siyaasada, midaasi oo saameyn baaxad leh ku yeelatay qorshihii uu Imaaraadku ka lahaa saldhiga millateri ee Berbera.

Hadalka Madaxweyne Biixi ee ku aadan saldhiga Berbera ayaa u muuqda mid yimid kadib markii ay wada-hadal isla yeesheen dowladda Imaaraadka iyo xukuumadiisu, taasi oo la iskula qaatay in madaarka Berbera ay si wada-jir ah u isticmaalaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa ciidamada Imaaraadkuba.

Heshiiska ay xukuumada Somaliland iyo dowladda Imaaraadka Carabtu wada galeen, ayaa dhigaya in dowladda Imaaraadku ay saldhigaasi Berbera isticmaasho muddo dhan 30-sanadood, heshiiskaasi oo qalinka lagu duugay waqtigii uu talada hayey madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo.

Dhinaca kale, waxa la filayaa in muddooyinkan soo socda uu socdaal aan la shaacin Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ku tago dalka Imaaraadka Carabta, midaasi oo ilaa hadda si rasmiya loo ogeyn ujeedka ka dambeeya Safarkiisa.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegay in safarkaasi Madaxweyne Kuxigeenku uu Imaaraadka ku tagayo uu daba socdo safaro uu hore ugu tagay madaxweynaha Somaliland, iyadoona si gaara uga wada-hadli doonaan labada dhinaca isbadelka ku yimid heshiiskii madaarka Berbera ee Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com