Immise maalmood ayey xirnaan doonaan waddooyinka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan.

Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah.

Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah.

Haddaba dadka Muqdisho ayaa is waydiinayo inta maalin oo ay xirnaan doonaan jidadka Muqdisho, waxaana arrintaas baaritaan kusoo sameysay Shabakadda Caasimadda Online.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, jidadka ayaa xirnaan doono ilaa berri inta uu kasoo dhammaanayo shirka Maanta Muqdisho uga furmay dowladda Soomaaliya iyo madaxda beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com