Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo xabsiga ku jira iyo inta badan taageerayaashiisa ayaa loo diiday in ay isku sharaxaan doorashada dhaceysa 8-da bisha February ee sanadka cusub.
Saraakiisha xabsiga ku heysa Imran Khan ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii la isku diiwaangelin lahaa doorashada.
Imran Khan ayaa xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay, si looga reebo in uu doorashada ka qeyb galo, isagoo hoggaaminaya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).
Xiddiggii hore ee Cricket-ka ayaa horraantii sanadkan lagu helay dambi ah in uu ku kacay fal dambiyeed, laakiin maxkamad ayaa hakisay xukunkii saddexda sano ahaa ee lagu riday, iyadoo xukunkaasna uu racfaan ka qaatay.
Guddiga doorashaoyinka ee dalka Pakistan (ECP) ayaa Imran Khan ka mamnuucay in uu xafiiska u tartamo xukun danbiyeedka awgeed. Xisbiga PTI ayaa waraaqaha magacaabistiisa gudbiyay toddobaadkii hore.
Imran Khan ayaa ra’iisul wasaare ka soo moqday dalka Pakistan, balse waxaa xukunka looga tuuray si awood sheegasho ah.
Dowlado u badan reer Galbeedka oo Mareykanku uu ugu horeeyo ayaa diidan in Imran Khan uu dalkiisa ka sii cayaaro door siyaasadeed, taasi waxay sababtay in xabsi lagu rido, dacwadana lagu soo oogo.