In ka badan 20 safaarad oo Soomaaliya dibadda ku leedahay oo mushaar la’aan u xirmi rabo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safaarado badan oo ka tirsan kuwa ay dowladda Soomaaliya ku leedahay dibadda ayaa xirmi rabo kadib markii ay dowladda ka heli waayeen mushaaraadkii shaqada lagu socodsiin lahaa iyo gunooyinkii.

Waxaan si hoose u heshay liiska Safaaradaha aan ilaa 6 bilood lacag ka helin dowladda Soomaaliya kuwaas oo qarka u saaran inay dumaan.

Midda lala yaabay ayaa ah in safaaradda UK ee Soomaaliya loo hormariyey muddo 1 Sano ah maadaama uu halkaas maamulo Cabdiraxmaan Ceynte oo ku heyb ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, sidaas ayuuna ugu fududeeyey mushaarka Safaaradda Ingiriiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa  looga fadhiyaa inay go’aan cad kasoo saarto arrintaan iyo sida laga yeeli doono.

Safaaradaha lacagta aan la siinay ayaa sheegay inay ka maqan tahay ilaa 6 bilood, waxayna isugu jiraan lacagaha ka maqan

Kirada Safaraddaha

Mushaaradka diblomaasiyinta

Shidaalka Gaadiidkoa

waxaana xusid mudan in Qaarkood guryahay ay daganyihin laga soo saaray maadaama la bixin waayey lacagta kirada, halka qaar kalana ayba la’yihiin wax ay ku dabartaan quutul Yoomka.

Safiirada iyo diploaasyiinta lacagta ka maqan tahay waxa ay maalin walba ay taaganyihin xafiisyada wasiirada Maaliyada, Arrimaha dibada, Xisaabiyaha guud ee qaranka, Bankiga dhexe, Xafiiska Ra’isulwasaaraha, xafiiska Ra’isulwasaare kuxigeenka

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Safaaradaha aan weli lacagta la siin, kadib waxaan qeybta hoose ku xusi doonaa kuwa lacagta qaata

  • Algeria
  • Sudan
  • Djibouti
  • Iraq
  • South Africa
  • Kenya
  • Dubai
  • Turkey
  • Cadan
  • Sanca
  • Switzerland
  • Uganda
  • China
  • Burundi
  • India
  • Kuwait
  • Zambia
  • Tanzania
  • Egypt
  • New York
  • Oman
  • Malaysia

Sidoo kale halkaan hoose ka akhriso Liiska Safaaradaha ay dowladda Soomaaliya lacagta siisay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in qaarna lacag la siiyo qaarna loo diido

  • Abu Dhabi
  • Uk
  • Sweden
  • Ethiopia
  • Jidda
  • Riyadh