INDHA-CADDE oo shaaca ka qaaday in uu difaacayo musharaxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu difaaco Midowga Musharraxiinta, kadib markii isaga & saraakiil kale loo xil-saaray amnigooda.

Indha Cadde ayaa sheegay in iyada oo aan la magacaabin xittaa uu diyaar u ahaa ilaalinta amniga xunbnaha musharraxiinta oo si weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aankan uusan u arkin wax qalad ah, islamarkaana horey sidan oo kaleba uu u difaacay Farmaajo, markii uu ahaa musharraxa.

“Iyadoo aan nala magacaabin inaan difaacno dadkaas musharaxiinta ah ayaa diyaar u nahay, sida shalay u difaacnay Farmaajo markuu musharaxa ahaa ayaa u diyaarsanahay inaan u difaacno Musharaxiinta.”ayuu yiri Generaal Yuusuf Indha Cadde.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Soomaaliya uusan boobi karin doorashada, wuxuuna ugu baaqay inuu u turo dadkii shacabka ahaa ee shalay u soo banaan-baxay, markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli walaac xoogan iyo tabasho ay ka jirto doorashada 20/21, taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka.